Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Helicopter ku tagay Waragaadhi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa maanta garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray.

Xasan Sheekh ayaa deegaankan u tagay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Hirshabelle, waxa uuna Madaxweynaha saraakiisha uu la kulmay ugu baaqay in dagaal u diyaar garoobaan.

Howlgalladii ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkan istaagay, waxa ayna ciidanka dowladda dib uga soo baxeen deegaanno badan oo gacanta Al Shabaab laga saaray ayna ku naf waayeen saraakiil iyo askar badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno la yaqaan oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida oo ku jira Guddiyada Doorashada !!

Cabdi Cade

Madaxa heyadda USAID oo dalka yimid & RW Khayre oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dedaal Mukhtaar Roobow lagu sii deynayo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali