Allbanaadir.com
NEWS

Waa imisa Tirada guryaha B/xaawo ee Kenya damacsan tahay iney dhinaceeda marsato?

Guddigii dowladda Somalia u dirtay B/xaawo oo shaaciyey in Kenya ay waddo dhul balaarsi weyn oo aan loo dulqaadan karin.

Guddigii dowladda Somalia ay u dirtay inay soo qiimeeyaan Xaaladda Magaalada Baledxaawo oo la sheegay in dowladda Kenya ay ka waddo dhul Balaarsi ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay soo arkeen.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa Xildhibaanadii tagay Baledxaawo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dooneyso iney dhinaceeda marsato dhul Soomaaliyeed oo Balaaran.

Fartaag ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhankeeda Marsatay in ka badan 790 Guri oo ay lahaayeen dadka ku nool Magaalada Baled xaawo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay laga doonaayo inay sameyso Guddi wax ka qabta dhul balaarsiga Kenya ay waddo.

Kenya ayaa wada derbi ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia, waxaana shacabka degmada B/xaawo ay sheegeen in derbigan la soo geliyey qeyb ka mid ah degmadaas, iyagoo arintaas qeylo dhaan ka soo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo ku goodiyey inuu talaabo adag ka qaadayo dowlada Itoobiya & TPLF

Caydiid Ali

(Falanqeyn) Muuse Biixi ma ka badbaadi karaa dembi dagaal iyo Maxkamad caalami ah?

Caydiid Ali

Itoobiya oo shaacisay dal ay u aragto Cadowgeeda 1aad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---