Allbanaadir.com
NEWS

Askari Shukaansi lagu soo qabtay oo Xukun adag lagu riday

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka , kaa oo  lagu helay in uu dhaawac culus u geestay taliyihiisa.

Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali Bin Abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, uu xabbad afka uga dhuftay, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan horaantii sannadkan.

Askariga dhaawaca geestay oo ka baxsaday degmada Maxaas ayaa lagu xiray xabsi kuyaalla degmada Guriceel, halkaas oo la sheegay in markii dambe kasoo baxday uuna soo galay magaalada Muqdisho qeybo kamid ah uu muddo ku dhuumaaleesanayay.

Gabar haasaawe jaceyl oo been ah iyo shukaansi la jishay askarigan fakadka ahaa ayaa ciidamada ammaanka u suurto galisay in ay gacanta kusoo dhigaan, kaddib markii ay gabadhan ballamisay askariga kuna wargalisay laamaha amniga halka uu joogo.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, magta dhaawaca iyo bixinta kharashkii ku baxay iyo  shan sanno oo xabsi ciidan ah,  waxaa sidoo kale laga saaray askarta dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo baraha bulshada ka saaray Muuqaal caro badan abuuray

Cabdi Cade

Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ereyadii ugu dambeeyey ee Max’ed Mursi & Madax caan ah oo geeridiisa ka tacsiyadeeyey

Caydiid Ali