Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Jubbaland oo u daneeyay Axmed Madoobe

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo muddoiyinkii lasoo dhaafay fasax ku maqnaa ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah ay ku gaareen go’aannno loogu daneeyay Axmed Madoobe.

Baarlamaanka oo isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaas, oo caqabad ku ahaa Madaxweynaha maamulkaaai..

Mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.

Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Madaxweynaha Jubbaland oo muddo xileedkiisa dhanmaaday ayaa markii saddexaad doonata in uu isku caleemo saaro Madaxweynaha Jubbalane uuna qabsado doorasho uu maamulanayo, si mar kale loo doorto.

Related posts

Maxay tahay talaabada uu qaadayo Sacuudiga ee ka careysiin karta Mareykanka?

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo u digtay dowlad goboleedyada, kana hadashay khilaafka Galmudug (Akhriso)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo ku baaqay in Xal deg deg ah loo helo muranka ka taagan doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---