Allbanaadir.com
NEWS

Joe Biden oo ka xumaaday Xasaanadii la siiyay Donald Trump

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa xasaanad ballaaran siisay Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, waxa ayna xasaanadan uu helay ka dhigeysaa in aan dacwad lagu soo oogin ilaa inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha.

Trump ayaa loo heestay laguna maxkamadeynayay kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki, waxaa sidoo kale loo heestay in uu isku dayay carqaladeynta natiijada doorashadii looga guuleestay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden , oo doorasho adag la galaya Trump ayaa si weyn uga xumaaday xasaanada ay maxkamadda Sare siisay ninka la tartamaya, waxa uuna ku sheegay xasaanad siinta Trump in ay tahay mid khatar ah.

Joe Biden ayaa sidoo kale  sheegay in xukunka Maxkamadda Sare ee Trump xasaanada lagu siiyay uu meesha ka saarayo sharciga,  isla markaana uu yahay waxyeello xun oo loo geystay dimuqraaddiyaddii Maraykanka, sida uu tilmaamay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump iyo taageerayaashiisa ayaa si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare, waxa ayna tani walaac xooggan ku abuurtay taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil argagax leh oo ka dhacay degmada Dayniile iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka ka socda wadada Maka Al-Mukarama

Caydiid Ali

Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo weeraro culus lagu qaaday & khasaare ka dhashay

Caydiid Ali