Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo walaac ay qabto u gudbisay dowladda Turkiga

Maamulka Somaliland ayaa ka walaacsan wadahadaladii magaalada Ankara ku dhax maray wafuud kala mataleysay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada xaajoonayay khilaaf u dhaxeeya labada dal oo ka dhashay heshiiskii ay gaareen Muuse Biixi iyo Aby Axmed.

Inkastoo wadahadalada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay fashil kusoo dhammaadeen loona ballamay kulamo kale , maamulka Somalilands ayaana u arka wadahadaladaasi oo Turkiga marti galiyay mid iyada danaheeda wax u dhimaya walaacna ku abuuraya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Somaliland mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiskiisa Hargeysa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri.

Wasiirka ayaa Mr. Levent Çeri waxa uu la wadaagay walaaca uu maamulka Somaliland ka qabo arrimo dhoor ah ay kamid yihiin wadahadallada Turkiga ka furmay, kuwaa uu sheegay in ay  saamayn karaan waxa socda xiriirka Somaliland iyo Turkiga.

Qunsulka Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri, ayaa u sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland in uu la wadaagi doono walaaciisa saraakiisha ka sarreysa, waxa uuna xusay in dowladda Turkiga aysan ka shaqeeneyn wax dhibaato ah.

Walaaca Somaliland ka qabto wahadaladlka Turkiga u furtay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah in ay cabsi ka qabaan in Itoobiya ka baxdo heshiiskii ay horey maamulkaasi ula gashay, ayna heshiisyo kale la gashao dowladda Federaalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan ku saabsan Xasilloonida iyo Horumarka Gobolka (Sawirro)

Cabdi Cade

Danjirihii Somalia u fadhiyey Kenya oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Shirka Cilmi baarista Injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade