Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay Warar si weyn loo faafiyay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay xalay ka hadlay wadahadallo la sheegay in dowladiisa la yeelaneyso kooxda Al Shabaab ee diidan jiritaanka dowladda dagaal adagna kala soo horjeeda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana caddeeyay in aysan jirin wax wadahadal ah oo dowladiisa la galeyso kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in warkaasi uu yahay mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo.

“Waxaan rabaa in aan  halkan si cad uga caddeeyo in aysan jirin wax wada-hadal ah oo annaga iyo Shabaab noo dhexeeya caawa la taagan yahay. Yaan dadka lagu marin-habaabin oo halganka iyo dagaalka aan ku jirno lagu waxyeellaynin” ayuu yir Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay doonayaan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee katirsan Al Shabaab in ay hubka dhigaan ayna dadkooda usoo noqdaan, halka kuwa ajaaniibta ahna ugu baaqay in ay dalka isaga baxaan oo aadaan halkii ay yimaadeen.

“Waxaan rabnaa Al Shabaab kuwa Soomaalida ahna in ay u soo noqdaan dadkooda, dalkooda iyo dowladdooda, kuwa aan Soomaalida ahayna in ay na dhaafaan oo ay aadaan meelihii ay ka yimaadeen. Qofkii raba in uu ka soo noqdo fikirka Shabaab waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan waana muujisay dowladda Soomaaliya in ay gacmo furan ku soo dhaweynayso oo ay qaabilayso kuwa ka soo baxa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii laso dhaafay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Qadar ay wadahadal u fureyso dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab , sidoo kale Madaxweyne Xasan uu dalka Norwey ka sheegay in ay la hadlayaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulka Puntland oo si adag u beeniyay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Somaliland oo soo bandhigtay Magacyada Lix Hay’adood oo shaqo joojin ay ku sameysay

Cabdi Cade

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo caawa shaaciyey in Mooshinkii laga keenay Jawaari uu yahay….

Caydiid Ali