Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo ka hadashay Wadahadaladii fashilmay ee Turkiga ka dhacay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahisay wadahadaladii dalka Turkiga ku dhax maray wafuud kala mataleysay dowladaha Soomaaliya iyo Itooobiya,. kuwaa oo kawada hadlayay xiisada ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulamada dalka Turkiga aysan aheyn kuwa fool ka fool ah, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in ay meel adag ka istaageen wafdiga qaddiyada la xariirta ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Qaranka.

”Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay dowladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga” ayaa lagu yiri warka .

Kulankaan lagu dhax dhaxaadinayay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay, waxaana lagu ballamay wareeg labaad oo wadahadal ah oo wafuuda labada dal ay isugu imaanayaan 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta madax-banaanida dhuleed ee dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano raadinaya xilal Wasiir oo buux dhaafiyey Madaxtooyada Soomaaliya

Caydiid Ali

Xildhibaanada Galmudug ee Cadaado oo doortay Madaxweyne cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo guddi baaris u saartay dhacdadii ay ku baxsadeen Maxaabiista Al-Shabaab

Caydiid Ali