Allbanaadir.com
NEWS

Xog cusub oo laga helay wadahadalka Turkiga u furmaya Somalia iyo Itoobiya

Wargeyska Middle East Eye, oo ka warramaya wada-hadallada Turkiga uu garwadeenka ka yahay ee la filayo inay Ankara ku yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa soo bandhigay inay Soomaaliya u soo bandhigo karto Itoobiya helitaanka deked, si ay Addis Ababa uga baxdo heshiiska Somaliland.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in hindisaha wada-hadalka uu ka dhashay, markii uu Ankara u diray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome Wirtu  si uu ula kulmo Madaxweyne Erdogan bishii May, isagoo markaa u soo bandhigaya in la billaabo dhexdhexaadin Soomaaliya iyo Itoobiya ah, si xal loogu helo xiisadda labada dal

Erdogan ayaa xiligaas faray hay’adaha Turkiga ee ay khusayso arrintan inay daraasad ku sameeyaan, taasoo ay xigtay inuu Wasiirka Arrimaha dibadda, Hakan Fidan kula kulmo Ankara Madaxweynaha Soomaaliya inta lagu jiray munaasabadda Ciiddul-Adxa, si loo fududeeyo wada-hadallada saddex-geesoodka ah.

Wargeyska oo ilo-wareedyo xiganaya, waxaa kaloo uu sheegay in haddii horumar laga gaaro wada-hadallada ay billaabayaan wasiirrada arrimaha dibadda labada dal, inay booqan karaan Ankara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, balse haddii ay dhacdo inay wada-hadallada burburaan, warbixinta waxay sheegtay; “Waxa laga yaabaa inay wiiqdo sharafta Turkiga ee gobolka waxayna dhaawacaysaa xiriirka adag ee Ankara iyo Itoobiya”

Related posts

Howlgalka ATMIS oo bandow ku soo rogay xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni (Akhriso)

Caydiid Ali

Dukaanle Sabab Cajiib ah u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray Qaahira si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade