Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda lix ka mid ah dalalka Carabta oo fariimo u soo diray dowlada Somalia

Waxaa iska soo daba dhacaya hambalyada ka imaneysa dalalka carab eeta ku aaddan xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalku ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Boqorka ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Suldaanka Cummaan, Suldaan Haitham bin Tariq ayaa ka mid ah madaxda Carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa kuxigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan.

Madaxa Golaha Sare ee dalka Yemen Rashaad Maxamed Calami ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda carbeed ee madaxweynaha Soomaaliya lasoo wadaagay hambalyada munaasabadda qaran ee kowada Luulyo.

Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda Waraka dalkaas ayaa lagu yiri; “ Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha Golaha, Xukuumadda iyo Shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo”.

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed

Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed xoroobeen lana midoobeen goballada Waqooyi.

Related posts

Baarlamanka federaalka Itoobiya oo Maamul cusub u magacaabay gobolka Tigray

Caydiid Ali

(Sawirro) Taliyihii ciidanka Somalilland ee gobolka Sool oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Abwaankii Al Shabaab isku dhiibay oo la sheegay in uu qabay ciil iyo carro xooggan

Cabdi Cade