Allbanaadir.com
NEWS

Ruto oo kashifay arrin halis ah oo dhacday mudadii ay socdeen dibed-baxyadii Nairobi

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa waraysi uu  bixiyay ku soo bandhigay dhacdooyin halis ku ahaa ammaanka Kenya oo lagu arkay inta uu socday mudaaharaadyadii lagu diidanaa sharciga maaliyadda.

Mid ka mid ah dhacdooyinka uu soo qaatay waxay ahayd markii bannaanbaxayaasha ay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka in qayb ka mid ah ay si toos ah u aadeen goobta lagu kaydiyo hubka ee loogu talagalay in dhismaha lagu difaaco, isagoo intaa ku daray; “Waxaa jiri doona baaritaan lagu ogaanayo sida dadkan ay u ogaayeen in bakhaar hub uu ku yaallo dhismaha Baarlamaanka.”

Waxaa kaloo uu sheegay in kaamirada CCTV ay qabatay wajiyada dadkii weeraray Baarlamaanka, Maxkamadda Sare iyo xarumo kale, isagoo sheegay in muuqaallada CCCTV lagu maxkamadeyn doono kuwii iskudayay inay gudaha u galaan bakhaarka hubka ee dhismaha Baarlamaanka, isagoo caddeeyay shaqsiyaadka la xiray inta mudaaharaadka uu socday in 1-da July la horkeeni doono maxkamadda.

Qof kasta oo dambiyo gaystay inta dibadbaxa uu socday ayuu sidoo kale sheegay inay Booliiska xogtiisa kaydiyeen si gacanta loogu soo dhigo.

Ruto, waxaa kalo uu soo bandhigay in diidmada hindise sharciyeedka Maaliyadda 2024 ay ka dhigan tahay in Kenya ay ku qasban tahay in ay amaahato $7.7 bilyan si loogu buuxiyo qorshaha miisaaniyadda.

Related posts

Xal Hoose laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa heshiiska Puntland la saxiixatay Shirkadda Frontier Service Group?

Caydiid Ali

Xildhibaano dhaawac ah & dad kale oo laga soo badbaadiyey hotelka SYL

Caydiid Ali