Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo si aan la fileyn uga hadlay qorshaha ka bixitaanka dalka ee Ciidanka ATMIS

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa ka hadlay qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidanka nabbad ilaalinta dalka u jooga ee ATMIS, kuwaa oo la qorsheeyay in dalka si tartiib tartiib ah uga baxaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidanka ATMIS, waxa uuna tilmaamay in ciidankan dalka meelaha ay ka joogaan uga baxayaan jadwal qorsheysan oo la isla ogyahay.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee dalka ay tijaabo u tahay ciidanka Soomaaliyeed iyo dowladda, waxa uuna sheegay in ciidanka dowladda la wareegayaan saldhigyada ay ka baxaan ciidanka ATMIS.

“Waxaan ku talinayaa ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM oo ku baxaya jadwal qorsheysan inay tijaabo u tahay ciidanka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed oo aan u diyaar garowno ATMIS dhulka ay ajendaha iyo jadwalka kaga baxayso inaan la wareegno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in ay u muuqato diyaar garow la’aan dowladda iyo ciidanka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii ATMIS amniga loogala wareegi lahaa, waxa uuna xusay in qorshahan isbadalka uu yahay tijaabo dowladda laga qaadayo.

Ciidanka ATMIS ayaa banneeyay saldhigyo ay horey uga joogeen qaar bkamid ah gobolada dalka, waxaana saldhigyadaasi lagu wareejiyay oo hadda ka howlgalaya ciidanka xoogag dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Xoogga oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab oo miino aasayay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in kooxda Al Shabaab soo dalbatay Wadahadal

Cabdi Cade

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali