Allbanaadir.com
NEWS

Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran iyo ammaanka caasimadda oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa maanta xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana waddooyin badan lasoo dhigay kuna sugan ciidamo katirsan laamaha ammaanka, kuwaa oo si weyn u adkeenaya amniga.

Magaalada Muqdisho ayaana waxaa maanta si weyn looga dareemayaa dabaaldega xuska maalinta kowda Luulyo oo ah maalintii ay gumeestaha ka xoroobeen dowladda Talyaaniga sidoo kale midoobeen gobolada waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale ayaana la filayaa in ay ka qeyb galaan xuska munaasabadda kowda Luulyo oo lagu qabanayo goob fagaare ah, waxa ayna halkaasi kula hadli doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda kowda Luulyo ayaa sannad walbo si weyn looga xusaa dalka iyo dibadiisa, waxaadna moodaa sannadkan in aan loo xuseyn sidii sanadihii hore maadaama dadka badi dareemayaan niyad jab iyo dhaqaalo darro baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka magaalada Muqdisho oo cabsi iyo niyad jab lasoo daristay

Cabdi Cade

(Sawirro) Qarax mar kale lagu burburiyey xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud

Caydiid Ali

Gurigii ugu horeeyay oo loo naqshaddeeyay farsamada 3D oo la dhisay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade