Allbanaadir.com
NEWS

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay xilli Dhoolotus sameeyeen Mareykanka iyo …

Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay, in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah ay xeebteeda bari ka ridday gantaal nuuca riddada dhexe ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib marki ay Peyongyang wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo ay si wada jir ah u fuliyeen millatariga Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay, in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koofurbari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale.

Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, isla markaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koofureed ay sameeyaan carbisyada millatari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar Senator oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Muran Ka taagan Puntalnd, Cabsi soo wajahday Kenya & Ahlu-Sunna oo aqbashay dalabkii Kheyre

admin

Q/Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka qaxay dagaalada ka socda dalka Sudan

Caydiid Ali