Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi uu horkacayo Gen. Hulusi Akar oo beri ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Waxaa maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho ku soo wajahan wafdi sare oo ka socda Dowlada Turkiga kaasoo uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas Gen. Hulusi Akar.

Wafdigan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Turkiga, Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Anadolu.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoo ka shaqeyn doonaa sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneya dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka isagoo Magaalada Muqdisho ka dhisay saldhig weyn oo ay tababar tayo sare leh ku siinayso ciidamada xoogga dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen.

Dowlada Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn ee soomaalida ayaa dhinacyo kala duwan ka kaalmeysa dowlada federaalka, waxayna dalka ka wadaa mashaariic kala duwan oo dib u dhis ah, kuwaasoo isugu jira Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismaha Waddada Laamiga ee Via Laberia oo maanta xarigga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Mohamed Bamba (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka A/dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---