Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Somalia ee Liibiya oo ku kacay arrin gef ku ah dhaqanka Soomaalida (Sawirro)

Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Liibiya mudane Cabdi Aadan Diiriye.

Safiirka ayaa warqadaha looga gudoomay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Tripoli.

Safiirka ayaa kasoo muuqday warbaahinta isagoo xiran dhar u muuqda kuwa dhaqameedka dalkaasi taasoo uu kala kulmay dhaleeceyn oo baraha bulshada loo mariyey

Danjire Diiriye ayaa dad badan oo ka fal-celiyay arrintan waxay sheegeen in ugu yaraan ay aheyd inuu xirto dharka hidaha iyo dhaqan ee dalka uu metelayo ee Soomaaliya halkii uu xiran lahaa dharka dhaqanka ee dalka martida u yahay.

“Safiirku waajibaadkiisa waxaa ka mid ah inuu ilaaliyo dhaqanka iyo hidaha dalka uu matalayo, safiirkeena Liibiya waxaa uu ku kacay arrin taas khilaafsan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka sida weyn uga falceliyey arrintan.

Related posts

Golaha Musharaxiinta oo si kulul uga hadlay rasaastii lagu furay dibed baxayaasha (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in 50-Dagaalyahan ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay Deegaanka Afcad

Cabdi Cade

Dad safaf ugu jiray doorashooyin oo isqaadsiiyey cudurka Coronavirus

Caydiid Ali