Allbanaadir.com
NEWS

DF oo wafdi u dirtay Magaalo uu ka dilaacay cudur halis ah oo dad badan dilay (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe oo uu ka dilaacay xanuunka dilaaga ah ee shuban biyoodka oo dad gaaraya 40 qof ugu geeriyoodeen.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Isbitaalka magaalada Baraawe oo ay jifaan dad uu soo ritay xanuunkaan waxa ay gaarsiisay deeq daawo iyo agab caafimaad iskugu jira.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin oo ay wafdigiisa qeyb ka ahaayeen dhaqaatiir loo qorsheeyay in ay si gaar ah ula tacaalaan dadka cudurku saameeyey ayaa Isbitaalka magaalada gaarsiiyay daawo iyo agab caafimaad, halka uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in xaalad adag ay ka jirto Baraawe loona bahanyahay gurmad degdeg ah oo ballaaran, si nolosha dadka loo badbaadiyo.

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo wareegto ku Magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Salva Kiir oo Ramadaan Maxamed u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Cabdi Cade

Maxaa Laga Ogyahay – Aamina Maxamed oo Safka Hore Ka Gashay Tartanka Hoggaanka WTO

Cabdi Cade