Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahino ka soo baxaya qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Baladweyne

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax aad u xoogan oo jugtiisa si weyn looga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee Galbeedka magaalada.

Qaraxan oo dhacay gabal dhacii maanta ayaa ka dhacay meel u dhaw Xero ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag.

Waxaa la xaqiijiyay ilaa laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ayaa ku geeriyooday qaraxan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin nooca uu yahay, kaasoo ka dhacay bar koontarool oo ay ku sugnayeen ciidan ka tirsan kuwa DF.

Laamaha amaanka Baledweyne kama hadlin qaraxan khasaaraha geystay iyo nooca uu yahay.

Qaraxan galabta ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahayeen Xaafada H/wadaag ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xeradaas, islamarkaana ay la wareegeen ciidamo ka tirsan XDS.

Related posts

C/raxmaan C/shakuur: “DF waxay u ogolaatay Xasan Daahir inuu ku baaqo dilkeyga”

Caydiid Ali

Duq magaalo oo lamaanayaasha is guursanaya ugu baaqay in geed talaalaan !!

Cabdi Cade

Afhayeenka G/Banaadir oo beeniyey Warar lagu baahiyey baraha bulshada

Caydiid Ali