Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo shidaal u diiday dayuurad ay leedahay Israel oo deg deg ugu soo degtay

Turkiga ayaa lagu warramaya inuu diidday diyaaradda ku duusha calanka Israa’iil ee El Al oo si deg deg ah ugu degtay Antalya in wax shidaal ah loogu shubo, go’aankaa oo la sheegay inuu ka caraysiiyay Israa’iil.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in diyaaradda Israa’iil ee EL Al, oo maanta si deg deg ugu degtay garoonka diyaaradaha Antalyaay ku qasbanaatay inay garoonka ka duusho iyadoon helin shidaal, kaddib markii shaqaalaha garoonka ay diiddeen inay shidaalka ku shubaan

Waxay sheegeen inay ahayd in shidaal lagu shubo sababo bini’aadantinimo, laakiin iyadoo habraacii ku haboonaa la dhamaystirin, kabtanka diyaaradda ayaa go’aansaday inuu iskiis u baxo, xilligaa oo ay socotay shaqada lagu diyaarinayay waraaqaha lagu fasaxayo shidaalka, maaddama Turkiga uu gabi ahaanba mamnuucay ganacsiga Israa’iil.

Diyaaradda Israa’iil ayaa markii dambe ku degtay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Rhodes oo ka tirsan Giriiga.

Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyey tan iyo markii ay ciidamada Israel dagaalka ku qaadeen magaalada Gaza halkaasoo ay ku laayeen dad ka badan 37 kun oo shacab u badan, iyadoo Turkigu aad uga carooday sida foosha xun ee ay Israel u dhaqmeyso.

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Garawe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo

admin

Madaxweyne Muuse Biixi oo fariin u diray shacabka ku nool Somaliland

Caydiid Ali

Imisaa Maalin walba laga xadi jiray canshuurta Qaadka ee garoonka Aadan cadde?

Caydiid Ali