Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalo dad badan ku dhinteen oo mar kale ka dhacay degaano ka tirsan Mudug

Inta la xaqijiyay 10 qof ayaa dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen dagaal maanta ka dhacay waqooyi bari ee gobalka Mudug.

Dagaalka oo u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo halkaa wada dagan ayaa sida dadka deegaanku ay xaqiijiyeen waxa uu salka ku hayaa dilal horey uga dhacay deegaano hoos taga Afbarwaaqo ee gobalka Mudug

Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo maalmaan ka socday aagaas kuwaasoo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof iyadoo qaar kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Maamullada Galmudg iyo Puntland, oo ay kasoo kala jeedaan beelaha dagaalamay, ayaa wada dadaallo nabadeed oo ay ku kala qaadayaan maleeshiyada qabaa’ilka ee is-horfadhiya.

Guddi wasiirro ah oo ka kala tirsan labada maamul kuwaasi oo ku baxay colaadda ayaa so saaray qodoba horudhac u ah dadaallada nabadda ay ka wadaan galbeedka gobalka Mudug.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qarxii ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Saraakiil iyo Ciidamo ku qul qulaya Maxaas iyo Abaabul dagaal oo halkaasi ka socda

Cabdi Cade

Ruushka oo laga diiday in la baaro qaraxyadii dhuumaha shidaalka ee Nord Stream

Cabdi Cade