Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo gaadiid dagaal ka dejisay Kismaayo & qorshaha socda (Sawirro)

Taliska qeybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Jubbaland ayaa Dekedda Magaalada Kismaayo kala soo dagay gaadiid dagaal

Gaadiidkan ayaa isugu jira noocyo kala duwan oo loogu talagalay inay isticmaalaan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Jubbaland.

Deegaanada Jubbaland waxaa ka socdo howlgal ka dhan ah  kooxda Al shabaab oo ku sugan qeybo ka mida Jubada hoose iyo Jubada dhexe.

Gaadiidkan maanta u yimid Taliska Qeybta 43-aad waxa uu door weyn ka qaadan doona dardargalinta howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa dhowaan kooxda Al shabaab ka saaray degaano ka tirsan Jubada hoose, waxaana socda howgalo degaano kale looga saarayo kooxdaas.

Related posts

Maamulka Taalibaan oo ku dhawaaqay in aan Jihaad loo aadi karin meel ka baxsan dalkooda

Cabdi Cade

Dowlada oo Sharciga la tiigsaneysa 20-Shirkadood oo lagu eedeeyay in aysan bixin ..

Cabdi Cade

Ciidankii ku jiray Dagaalkii ka dhacay Muqdisho oo la baadi goobayo & Musharaxiinta oo..

admin