Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xeer ku dhisay sanduuq Qaran una magacaabay Agaasime

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Related posts

Mareykanka oo hanjabaad usoo diray Uganda ugana digay hirgelinta Sharci ka dhan ah…

Cabdi Cade

Dad ka qaxay Colaada Sudan oo dhinaca badda ka galay dalka Sacuudiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Xaflada caleema saarka Madaxweyne Saciid Deni oo ka dhacday Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---