Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi dowladda ku matelaya Wadahadallo lala galayo Itoobiya oo u ambo baxay dalka…

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u ambo baxay dalka Turkiga, halkaas oo la filayo in wadahadllo uga furmo masuuliyiin mataleysa dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo hoggaaminaya wafdiga dowladda ayaa ka ambo baxay dalka Masar uu ku sugnaa, waxaana wafdigan la filayaa in wadahadllo xasaasi ah dalka Turkiga kula yeeshaan xubno matelaya dowladda Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dowladda Turkiga ay dhax dhaxaadineyso wadahadallo u furmaya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, oo u dhaxeeyo khilaaf xooggan oo ka dhashay heshiiskii Abiy iyo Biixi.

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, oo ay uga qeyb-geli doonaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ajandaha kulanka wadahadalka ah dhax maraya labada dal ayaa lagu shaacin warka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda , waxaana wasaaraddu sheegtay in ay ka go’an tahay mabaa’diida adag ee ilaalinta midnimada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey marar badan u diiday in wadahadallo ay la furto dowladda Itoobiya oo ay ku eedeysay in ay ku xadgudbeen midnimada dalka, waxa uuna wadahadalkan imaanayaa xilli dowladda Turkiga soo faragalisay khiolaafka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Xagee ku dambeeyeen Xoogagii Ahlusuna ee ka dagaalamay degmada Guriceel?

Caydiid Ali

Maxaad kala socotaa guurka Max’ed & Ruqiya ee sababay in nolosha lagu gubo adeerkood? (Daawo Video)

Caydiid Ali

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo duqeymo lagu dilay

Caydiid Ali