Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray xaflad aroos , tacsi duug iyo xarun caafimaad

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qaraxyo is xigxigay oo ay fuliyeen koox dumar lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos, isbitaal iyo tacsi magaallo kutaalla gobolka Borno ee dalka Nigeria .

Saddex qarax oo is xig xigay ayaa Sabtidii ka dhacay magaalada Gwoza ee gobolka Borno, oo dhacda xadka Cameroon, sida uu sheegay afhayeenka booliiska gobolka Borno Nahum Kenneth Daso.

Mid ka mid ah weerarradaas, oo dhacay abbaare 3:45pm (14:45 GMT), haweeney ilmo dhabarka ku sidata ayaa ku qaraxday walxaha qarxa (IED) oo ay ku haysay goob ay dadku ku badnaayeen oo baabuurta la dhigto sida uu afhayeenka sheegay.

Ismiidaamiyeyaasha ayaa la sheegay in sidoo kale ay la beegsadeen isbitaal ku yaalla isla magaaladaasi. Weerar kale ayaa markii dambe lagu qaaday aaska dadkii ku dhintay qaraxii arooska, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Ilaa hadda, 18 dhimasho ah oo ka kooban carruur, rag, dumar iyo haween uur leh ayaa ka dhashay qaraxyadan , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 19 qof , kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Xubin ka tirsan maleeshiyaatka gacan siinaya ciidamada Milateriga ee Gwoza ayaa sheegay in labo ka mid ah saaxiibadooda iyo askari sidoo kale lagu dilay weerar kale oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka dalka Nageria ayaa la wareegay deegaannada weerarada ka dhaceen, waxaana qaraxyada dadka badan lagu laayay lagu eedeeyay kooxda Boka Haram ee weerarada ka geesata gobollo dhaca dalka Nageria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordheysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo soo bandhigtay qaar ka mid ah odayaashii soo xulay Baarlamanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo galabta dagaal kula wareegay degaan ka tirsan galbeedka Hiiraan

Caydiid Ali