Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay Sabab ay kooxda Al Shabaab kula wareegi karto talada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda Al Shabaab fursad ka heli kartio ka bixitaanka Soomaaliya ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, oo la filayo in ciidanka qalabka sida ku wareejiyaan ammaanka guud ee dalka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley, ayaa walaac xooggan ka muujiyay ka bixitaanka xilligan ee Soomaaliya ciidanka nabad ilaalinta u jooga, waxa uuna sheegay in Al Shabaab wali jirto khatarteeda.

Waxa uu sheegay General Michael Langley in kooxda Al Shabaab isku dayi karaan in ay la wareegaan talada Soomaaliya , haddii ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ka baxaan Soomaaliya.

“Saameyn way ayay ku yeelan kartaa bixitaanka ciidamaa Midowga Africa amniga gudaha Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab weeraro ka fulin kartaa Muqdisho iyo meelo kale, balse waxaan ku rajo waynahay in dowladda Soomaaliya ay fahansan tahay khatarta amaan doonto xiliga kala-guurka lagu jiro,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley, ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ku jirto marxaladii Afganistan oo kale , oo markii ciidamada nabad ilaalinta u joogay ka baxeen la wareegeen kooxda Taalibaan.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al Shabaab laga adkaan karo haddii shacabka Soomaaliyeed ay taageeraan ciidankooda iyo dowladda, waxa uuna xusay in Al Shabaab hadda lumiyeen kalsoonidda shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan kasoo yeeray Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya dalbaneyso in ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya dalka ka baxaan laguna wareejiyo amniga ciidanka qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay Gabadhii Soomaaliyeed ee Jaceylka dartiis loogu dilay Malaysia

Cabdi Cade

Akhriso Nuqulka habraaca wax ka bedelka Dastuurka ee maanta la ansixiyay

Cabdi Cade

Save the Children oo ka qeylisay xukuno adag oo ay riday Maxkamad ku taalla Puntland

Caydiid Ali