Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Axmed Fiqi oo kulan arrimo badan oo Xasaasi ah looga hadlay la yeeshay Ahmed Aboul Gheit

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit.

Kulan dhax maray wasiirka iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa waxa ay uga wada hadleeb siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

#Soomaaliya #Soomaali #ArabLeague #LeagueofArabStates #LAS

->###<-

Waaxda Warbaahinta iyo Teknoolojiyadda
Department of Communication and Technology

Related posts

(Akhriso) Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo & qodobada lagu eedeeyey

admin

Tirada shilalka gaadiidka ee sanadkan ka dhacay jidadka Muqdisho oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Arday dhigata Jaamacad ku taalla Kenya oo lacag fara badan ka xaday Banki

Caydiid Ali