Allbanaadir.com
NEWS

Labo Musharax oo saameyn badan oo isugu soo haray Doorashada Madaxweynaha Iran

Dalka Iran waxaa Jimcihii ka dhacday doorasho xiisad iyo xamaasad badan oo loogu tartamayay xilka Madaxweynaha dalka Iran, kaddib geeridii ku timid Madaxweynihii dalkaasi ee shilka diyaaradeed ku dhintay.

Doorashadii ka dhacday Iran Jimcihii ayaa la sheegay in aysan jirin musharax si buuxda u helay codadkii lagu kala bixi lahaa, waxaana doorashada isugu soo haray labo musharax oo kala ah Massoud Pezeshkian iyo  Saciid Jalili .

Labada Musharax ee isku soo haray ayaana shanta bisha July doorasho ku celis ah oo la qabanayo ku kala bixi doona, waxa ayna labada musharax wadaan olole xooggan oo mid kasta ku doonayo in doorashada ku guuleesto.

Musharax Massoud Pezeshkian ayaa ah xildhibaan qunyar socod ah oo katirsan baarlamaanka Dalka Iran , halka musharaxa la tartamaya ee Saciid Jaliili uu taageero buuxda ka heesto hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran .

Doorashadii dhacday Jimcihii ayaa la sheegay in labada musharax midkoodna uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, kaddib marki la tiray codadki ay dhiibteen ilaa 25 milyan oo cod-bixiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka deg. Balcad iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Wiil 11-Sano jir ah oo awoodiisa dad badan ka yaabeen  !!

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali