Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo loogu baaqay in ay caddeyso isbadalka ku yimid Go”aan horey loo gaaray

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda Soomaaliya uu isbadal ku yimid, mowqifkii ay horey uga qaadatay in wadahadal ka gasho heshiiskii is-afagarad ay gaareen maamula Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in go’aankii lagu diiday heshiiskii dhax maray Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid qaran oo xukuumadda, labada aqal ee Baarlamaanka iyo siyaasiinta mucaaradka oo dhami isku raaceen.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in uu hadda is-beddelay go’aankii xukuumadda ee ahaa in aysan wadahadal fool ka fool ah la galaynin Itoobiya ilaa iyo inta ay ka noqonayso isfahamka, aqoonsanaysana midnimada, wadajirka iyo gobbonimada qaranka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaana ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ballaariyo talada wadahadal lala galo Itoobiya, waxa uuna ka codsaday in la caddeeyo wax hadda keenay isbadalka ku yimid mowqifkii hore ee xukuumadda.

”Waxaan ka rabnaa Madaxweynaha oo hoggaan u ahaa hawshan in uu ballaariyo talada ku aaddan arrintan ee uusan kaligii isku koobin. Waxaa kaloo muhiim ah in la caddeeyo sababaha keenay is-beddelka Mowqifka xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaanka CC Warsame.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli horey xukuumadda Soomaaliya u diiday in arrinka heshiiska Itoobiya la gashay Somaliuland kala hadasho xukuumada Abiy, waxaana hadda soo baxaya in dowladda diyaar u tahay in Itoobiya wadahadal la furto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo) Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray New York & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo Wali diidan Mudo kororsiga Dowlada iyo Cali Guudlaawe oo taageeray !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo eedeymo kulul u jeediyey shirkado ka howlgala Puntland

Caydiid Ali