Allbanaadir.com
NEWS

Nin fallaar ku weeraray Safaaradda Israel ku leedahay Belgrade iyo khasaaro ka dhashay

Nin ku hubeysnaa fallaar ama gamuun ayaa weerar ku qaaday safaaradda Israel ku leedahay magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka ilaalada ka hayay safaarada Israel ayaa weerarkan dhaawac culus kasoo gaaray, ciidamada ammaanka ayaa dhanooda toogasho ku dilay ninkii weerarka gammuunka loo adeegsaday ka dambeeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sebia Ivica Dacic, ayaa cambaareeyay weerarkan lagu qaaday safaaradda Israel ku leedahay magaalada Belgare, waxa uuna weerarka ku tilmaamay in uu ahaa mid argagaxiso.

Waxa uu sheegay wasiirka in weerarka uu dhaawac kasoo gaaray askari ilaalada safaaradda kamid ahaa, waxa uu sheegay in askariga falaarta kaga dhacday qoorta uuna soo gaaray dhaawac culus.

Diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha kale ee ku sugnaa safaarada Israel ayaa la sheegay in aysan soo gaarin wax khasaaro ah, waxa uuna weerarkan imaanaya xilli ay sii kordheyso carada Israel loo qabo sii kordheyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gobol ka tirsan Itoobiya oo qarka u saaran dalkaas intiisa kale inuu ka go’o

Caydiid Ali

Xildhibaanada Diidan wax ka bedelka Dastuurka oo la kulmay Madaxweyne Xasan (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo dalab ka kooban labo qodob hordhigtay wadamada Nordic (Sawirro)

Caydiid Ali