Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay ujeedka Qatar ka leedahay dhexdhexadinta DF & Al-Shabaab?

Maxay tahay Ujeedka Qatar ay kula xaajoonayso Dowlad Dimuqraadi ah iyo Muqaawamo Diimeed Xagjir ah?

Qatar ayaa dhexdhexaadinaysa dowladda Soomaaliya ee dimuqraadiga ah ee curdanka ah iyo kooxda diineed ee xagjirka ah ee Al-Shabaab. Waxaa jira walaac laga qabo dhiirigelinta Qatar oo laga yaabo inay ka leedahay ajande qarsoon oo la xiriira Al-Shabaab, maadaama lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha xagjirka ah ee gobolka. Qatar, si la mid ah dalalka kale ee Khaliijka, waxay caan ku tahay boqortooyo Iska caabisa isbeddellada dimoqraadiyadeed ee dalalka deriska ah. Tani waxay sabab u tahay cabsida iyo welwelka ku saabsan caqabadaha ku wajahan xukunkeeda keli taliska ah. Boqortooyooyinka khaliijku waxa ay caan ku yihiin in ay maamulaan kheyraadka iyo in ay ka warwareegaan dib u habaynta dimoqraadiyada. Waxaa lagu eedeeyay inay khalkhal galiyeen dalalka deriska ah si ay u sii wataan saamaynta gobolka

Sida la og yahay, boqortooyooyinka dawladaha khaliijka waxaa maamula qoysas boqortooyo ah oo aan naxariis lahayn kuwaas oo sheegta lahaanshaha dadkooda, dhulkooda, iyo kheyraadkooda, iyaga oo ka hortagaya isbedel kasta oo dimuqraadi ah. Halkii ay la kulmi lahaayeen caqabado gudaha ah, waxay door bidaan inay muwaadiniintooda ka soocaan isbeddellada dimuqraadiga ah. Marka dhaq-dhaqaaqyada dimuqraadiga ah ee deriska ahi ay khatar keenaan, boqortooyooyinkani waxay inta badan khalkhal galiyaan ummadaha saboolka ah iyada oo la adeegsanayo maalgelin, xagjirnimo, iyo hurin colaado kooxeed. Habkani wuxuu wiiqay madax banaanida wadamada dariska ah sida Yemen, Somalia, Sudan, Syria, iyo Libya. Qatar waxay u taagan tahay khatar gaar ah, oo ay mabda’ ahaan la safan tahay kooxaha argagixisada waxayna si qarsoodi ah u taageertaa kooxaha xagjirka ah si ay u afgambiyaan dawladaha daciifka ah ee dimuqraadiga ah ee ka jira wadamada la beegsanayo.

Dhexdhexaadinta Qatar ee dowladda Soomaaliya iyo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa ka tarjumaysa muuqaalka taariikhiga ah ee lagu arkay Afgaanistaan. Ujeedka ugu weyn ee Qatar ayaa u muuqda inuu yahay mid lagu wiiqayo dowladnimada dimuqraadiga ah ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xukunka Al-Shabaab. Wada-hadallada lala galo Al-shabaab, oo lagu yaqaanno diidmada in ay iska soo dhiibaan hubka iyo afkaarta xagjirka ah ee ku xidhan Al-Qaacida iyo Daacish, ayaa shaki gelinaysa waxtarka wada-hadallada labada dhinac. Haddii Al-Shabaab ay ku biirto in ay awood qeybsi ku yeelato dowladda Soomaaliya, markaas waxaa jirta khatar weyn oo ka dhalan karta khilaafka dowladda gudaha iyo dilalka qorsheysan ee loo geysto saraakiisha dimuqraadiga ah, taas oo horseedi karta xukun xagjir ah. Madaxda dowladda Soomaaliya waa in ay si taxadar leh uga fiirsadaan ku lug lahaanshaha Qatar, marka la eego xiriirka taariikhiga ah ee Qatar ay la leedahay argagixisada iyo falaagada jihaad doonka ah ee xagjirka ah. Tusaale xusid mudan waa Afgaanistaan. Qatar waxay isu taagtay dhexdhexaadiye u dhexeeya dawladda dimuqraadiga ah ee soo baxaysa ee Afgaanistaan ​​iyo Talibanka xagjirka ah. Si kastaba ha ahaatee, Qatar ayaa ku guulaysatay inay fuliso qorshaheedii qarsoonaa ee ay ku doonaysay inay awood u yeelato Taliban, iyadoo markaas dhinac ka dhigtay dawladda Afgaanistaan ​​oo la safan reer galbeedka.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com
————————————-
Waxaa Turjumay: Diini Caydiid

Related posts

Hooyo si Arxan daro ah Cunug ay dhashay ugu dishay magaalada Guriceel

Cabdi Cade

Qoyska Caa’isha Ilyaas oo cabsi iyo Cadaalad daro uga guuray magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Shuruudaha laga rabo Shirkadaha diyaaradaha ee u tartamaya u adeegga Xujeyda oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade