Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh: “Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda galay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuqraadiyadda Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalin doonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay.

Xassan Shiikh ayaa faray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka joogay inuu soo diyaariyo dhulkii laga dhisi lahaa Maktabadda Aadan cadde

“Aadan Cabdulle wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee doorasho ku yimid, doorashana xafiiska uga tegay, 1960-kii wuxuu ahaa sanadkii Afrika, Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda dhigtay, wax badan ayey nooga tageen Aabayaasheen oo Aadan Cadde ugu horeeyo, wax waa naga lumeen waxna weli waan heysanaa, diinta, dhaqanka, afka, taariikhda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaan weli heysanaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Related posts

Mareykanka & Taliban oo ereyo kulul isku weeraray ka dib dilkii Ayman Al-Zawahiri

Caydiid Ali

Deni oo Eedeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo kadib Doorashadii ka dhacday Puntland

Cabdi Cade

Farmaajo & Khayre oo ka baaqday shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay Addis Ababa

Caydiid Ali