Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo howlgal ku soo qabtay Maxamed Cismaan C/raxmaan (Sawirro)

Ciidanka NISA ee ka howlgala Galmudug ayaa howlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan.

Ninkan ayaa ku eedeysan in habeeno ka hor uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

Taliyaha qaybta guud ee Nabad sugidda Galmudug Feysal Ibraahim Caanood ayaa u xaqiijiyay in dabagal dheer kadib ay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha.

Waxaa uu sheegay in baaritaan kadib loo gudbi doono cadaaladda si loogu qaado ciqaabta falka dilka ah oo uu ku kacay.

Related posts

Rooble oo Xassan Shiikh uga digay arrin halis ah oo uu Farmaajo ku fashilmay

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gubay Guryo iyo gaari ay lahaayeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Zoope oo dib looga soo celiyey Turkiga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---