Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xuseen Madkeer Ismaciil oo sanado ka dib isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Xuseen Madkeer Ismaaciil oo 4 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab,una u qaabilsanaa Tubo gelinta Ceelasha biyaha ayaa ka soo baxay kooxdaas.

Wuxuu sheegey inuu ka soo shaqeeyey degaano ay ka mid yihiin Ceel-garas, Abag-beedey iyo Buur-dhuxunle.

Xusseen oo markiisa hore ahaa reer Xuddur deegaan ah ayaa sheegay inuu ka qoomameeyey maalinkii uu ku biirey Al-shabaab.

Waxaa maanta uu isku soo dhiibey ciidanka Qaranka qaybtooda KGS ee G/Bakool ee degmada Xuddur.

Xusseen ayaa dowladda ka codsadey in cafis u fidiso, isagoo saaxiibadiis hore ee al shabaab ka mid ah ugu baaqay iney ka soo baxaan kooxdaas.

Related posts

Maxaa ka jira in taliyihii uu Farmaajo shaqada ka joojiyey uu howshiisa iska wato?

Caydiid Ali

Burcad Malaayiin Dollar ku dhacay Internetka oo talaabo yaab leh qaaday

Caydiid Ali

Dal albaabada u furay markab sida kumanaan tahriibayaal dalal kale laga soo diiday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali