Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidanka ATMIS ee Kenya oo wareejiyey saldhig ay ku lahaayeen Degaanka..

Ciidanka ATMIS ayaa ku wareejiyay Saldhigga degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo noqonaya Saldhiggii Afraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya

Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka taliyaha ATMIS, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Gaashaanle Muxudiin Axmed oo katirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahad celiyay ciidamada ATMIS ee Kenya ka socda sida ay ugu hureen naftooda ka qeyb qaadashada sugida amniga Jubbaland.

Sarkaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo kala-guurka guuleysta.

UNSOS waxay Ciidamada xoogga dalka siisay F koronto-dhaliyeyaasha, dhirta biyaha lagu nadiifiyo, taangiyada biyaha, ceelasha riigga ah, iyo looxyada xakamaynta.

Sidoo kale wareejinta xerada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Brig. Seif Saalim Rashiid, Ku Xigeenka Duqa Magaalada Cabdalle Biroolle, Axmed Cali, Taliyaha xilka la wareegaya ee Cabdalle Biroolle, Col. Maxamed Xasan Gaboobe, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS, iyo ciidanka xoogga dalka

Related posts

Shaqsi kamid ah Raga isbaarada ku heysta Hay’adda Isgaarsiinta Qaran oo shir kasoo dhax muuqday !!

Cabdi Cade

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo ganaaxyo adag lagu riday

Cabdi Cade

Hogaamiye Mucaarad ah oo guul ka sheegtay doorasho labo sano ka hor dhacday

Caydiid Ali