Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo dhigiisa Sameh Shoukry (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry.

Waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada.

Waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Related posts

Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo isku khilaafay xaalada Laascaanood iyo Abaabul socda

Cabdi Cade

Nin Jirdil iyo Xabsi ku muteestay Funaanada Xulka Kubada cagta ee Qadar uu xirtay

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay iney soo riday dayuurad hub ka dejineysay Magaalada Makelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---