Wararkii u dambeeyey dagaalka Xamaas iyo ciidanka Israel ku dhexmaraya Gaza

Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa, ayaa 24 saac ee u dambeysay fuliyay howlgallo qaabeysan oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidanka Israa’iil, halka sidoo kale gaadiid iyo xarumo saldhig laga qarxiyay ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa.

Mid ka mid ah , halka howlgalka dhimashada ugu badan ay ka dhalay uu ka dhacay waa aagga Shujaiya oo dhismayaal ay ku jireen ciidanka Israa’iil ay weerarreen iska caabinta, waxayna qarxiyeen dhisme la sheegay inay yaaleen gantaallo iyo hub kale oo ay lahaayeen ciidanka Israa’iil, oo warbixin ay ka soo xigatay Al-jazeera ku sheegay in Shujaiya looga dilay 4 askari ugu yaraan shan kalana laga dhaawacay.

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa muujinaya isbeddel ay ku sameeyeen howlgalladooda, iyagoo hadda meelo fog hoobiyayaal iyo gantaallo ku bartilmaameedsanaya goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka Israa’iil iyo gaadiidkooda, sida laga arkay muuqaalkii u dambeeyay ee ay baahiyeen.

Sidoo kale howlgalladooda gaadmada ah ayaa dhaliyay khasaaro gaartay ciidanka Israa’iil,iyadoo maanta hawada Qasa ay buuxiyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Shujaiya ka qaadaya ciidanka dhaawaca ah.

Taliyaha guutada 12-aad ee ciidanka Israa’iil oo howlgal ka wada Rafah, ayaa qirtay dagaal adag oo jabhadeyn ah inay kala kulmayaan dagaalyahannada Falastiiniyiinta, isagoo intaa ku daray; “ Qof kasta oo u maleynaya sannadka soo soo socda gudahiisa in lagu joojin karo dagaalkan, wuxuu indhaha ka ridaya ciidanka.”

 

- Advertisement -