Go’aanno kasoo baxay guddiga Qaran ee loo xil saaray Aaska Marxuum Prof Jawaari

Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka Iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa hadii uu Alle idmo in maanta marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho,ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka

Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari .

Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota:

Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo,waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka.

Salaada janaasadda waxaa marxuumka lagu dukan doonaa 12:30 duhurnimo waana masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galaya madaxda qaranka ,culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka ,xubnaha Golaha Baarlamaanka ,wasiiradda,bulshada rayidka Iyo qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ,

Aaska Qaran waxa uu dhacayaa 1:00 duhurnimo waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha Sheekh Suufi ,waxaana ka qeyb geli doona culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka,guddiga aaska Qaran Iyo dad kooban.

Intaas waxaa dheer

– [ ] Guddiga aaska Qaran waxa ay cayimi doonaan Sheekha tujin doona salaada janaasadda Iyo Sheekh ama qof ehelka marxuumka ah oo cafis dalbi doona Iyo hadii ay cid deyn ku lihi jirto.
– [ ] Buuga tacsida ee marxuum Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu laga bilaabo beri 2:00 duhurnimo ka furanyahay gurigii uu ku geeriyooday marxuumku.
– [ ] Guddiga aaska Qaranka waxay madaxda Qaranka usoo jeedin doonaan in goob loogu magac daro Allaha ha u naxriistee Guddoomiye Jawaari .

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Waxaanu illaahey uga baryaynaa Inuu naxriistiisa ka waraabiyo marxuum Jawaari.

- Advertisement -