Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in wada-hadallo dhanka telefanka ah dib ula bilaabi doonto Kuuriyada Koofureed, si loogu gogol-xaaro wada-hadalo toos ah oo ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb gasho cayaaraha xilliga qaboobaha ee Olympics-ka.
Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Madaxweyne Kim Jong-un uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-xaajood la galo xukuumadda Seoul uuna koox u diro cayaaraha.
Labada dal ayaanan wada-hadallo heer sare ah yeelan tan iyo bishii December 2015, iyadoo sanadkii xigay, Kuuriyada Waqooyi ay jartay xiriirka, ayna diidday inay ka jawaabto wicitaannada, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan Kuuriyada Koofureed.
Sarkaal ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in wada-hadallada dhanka qadka ay telefishinka laga daawan doono.
Xiriirka labada dhinac ayaa dib u bilaabmi doona maanta saacadda waqtiga dalalkaasi marka ay tahay 15:30 (06:30 GMT), sida ay shaacisay wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com