Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biden oo qiray hal dhibaato oo xaaladu sababtay oo heesata wacadna ku maray in uu ..

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa olole xooggan ugu jira sidii mar kale ugu guuleysan lahaa xilka Madaxweynaha, waxa uuna loollan adag oo dhanka doorashada la galayaa Madaxweynihii uu kursiga kaga guuleystay ee Donald Trump.

Doorashada dalka Mareykanka ayaa dhaceysa bisha November ee sannadkan, waxaan doorashada ku tartamaya labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ay kala matelayaan Joe Biden iyo Donald Trump.

Madaxweyne Joe Biden ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan uu ka dhaxlay da’diisa oo weyn, waxa uu xusay in wax walbo ay ku yimaadeen isbadal , isagoona wacad ku maray in uu doorashada kaga adkaan doono musharaxa la tartamaya.

“Hadaan runta muuqata sheego, waan ogahay inaanan ahayn nin dhalinyaro ah, in aan u socon karin sidii aan horey ugu socon jiray, oo aanan u hadli karin sidii hore, oo aanan u dooni karin sidii hore – laakiin waxaan hubaa in aanan mar kale afar sanno oo kale aanan u tartami laheyn hadii aanan hubin in aan shaqadan qaban karo” ayuu yiri Joe Biden.

Madaxweyne Joe Biden oo 81-sanno jir ah ayaa habeen hore dood la yeeshay musharaxa la tartamaya ee Trump, taageerayaasha Biden ayaana ka niyad jabay sida uu dooda u maareeyay, iyaga oo aaminsan in da’diisa oo weynaatay  suurto gal tahay in laga adkaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ku burburtay garoonka Lukla Airport iyo dad ku dhintay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Suudi: “Rooble & Qoor-qoor wax loo soo dhiibay ayey colaad ku gelinayan dadkooda”

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Kismaayo oo joojiyay Qaabilaada Dadweynaha Muddo Isbuuc ah +Sababta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---