Villa Soomaaliya oo shuruudo adag ku xirtay Wadahadal Dowladda la gasho Al Shabaab

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal nabadeed la fureyso kooxda Al Shabaab, oo muddo sannado ah dagaal adag oo dhiig badan ku daatay kula jirta dowladda Federaalka.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa ka hadlay wadahadalka la sheegay in dowladda la fureyso kooxda Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in aysan jirin ilaa hadda wax wadahadal ay dowladda la furtay Al Shabaab.

Waxa uu sheegay la-taliyaha  in aysan jirin qorshe dowladda hadda ugu jirto ay wadahadal la furto Al Shabaab, waxa uuna shuruudo ka dhigay haddii Shabaab lala heshiinayo in marka hore xiriirka u jaraan argagaxisada caalamiga ah , sidoo kale aqoonsadaan midnimada dhuleed ee dalkeenna, ayna diyaar u yihiin in ay nabadda qaataan.

“Dowladda federaalka Soomaaliya wax wada-hadal ah kulama jirto Al-Shabaab , Madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay shuruudo cad oo ku saabsan soo jeedintan. Waa in ay jaraan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.”” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Al Shabaab, iyadoona markaa kaddib soo baxeen warar sheegaya in Qatar ka shaqeeneyso in wadahadal u furto DFS iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -