Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo nasiibdarro weyn ku tilmaantay hees laga soo qaaday Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiibdarro weyn ku tilmaamay in magaalada Hargeysa looga heeeso qowmiyad katirsan dalka Itoobiya, waxna loogu dhimo midnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in heesta laga qaaday Hargeysa lagu sheegay in Somaliland aysan laheyn cadaw uga daran Muqdisho iyo Hargeysa, arrintaas uu ku tilmaamay in ay tahay wax aad looga xumaado.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in heesta laga qaaday magaalada Hargeysa ay tahay mid lagu marin habaabinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, sidoo kale lagu muujinayo damaca qowmiyad Itoobiyaan ah oo cadaawad kala dhaxeyso dadka Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raali-gelinayo dal kale oo shisheeye ,misana damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Axmed Macalin Fiqi.

Heestan laga qaaday munaasabad ka dhacayday magaalada Hargeysa oo lagu xusayay munaasabadda 26ka Juun ayaa carro badan ka abuurtay baraha bulshada, waxaana heestaasi si weyn u dhibsaday dadka Soomaaliyeed oo daafaha dunidda ku kala nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muddo kadib Malaga yaabaa in ay soo afjarmaan Kooxda Alhu suna ee ka talin jirtay Gobolada dhaxe (Wax ka Ogoow)

admin

Sacaada Quran Online oo fursad Qaliya u haya qurbajoogta somaaliyeed meel walba oo ay joogaan 

Cabdi Cade

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga dacwad loo heysto Koofi, Cabdul & Saabey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---