Kulan xal loogu raadinayo Dagaalkii ka dhacay Galbeedka Mudug oo ka dhacay Gaalkacyo

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan hordhac ah oo ku saabsan joojinta colaad beeleedda galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulankooda uga hadleen sidii deg deg loogu joojin lahaa dagaal beeleedka khasaaraha xooggan sababay ee galbeedka Mudug.

Kulanka ayay mas’uuliyiinta labada dhinac ku go’aamiyeen qodoba hordhac ah oo lagu baajinayo in uu sii socdo dagaalka beelaha ku diriray galbeedka gobolka Mudug.

Go’aannada ka soo baxay kulanka ayaa waxa u horreeya in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xabbadda islamarkaana labada maamul ee Puntland iyo Galmudug xaqiijiyaan hirgelinta xabbad-joojintaasi.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga maleeshiyaadku isku hor fadhiyaan si loo kala raro.

Ugu danbayn in dib loo bilaabo wadahalladii islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo fidiyo gogol nabddeed oo la isugu keeno dhinacyada colaaddu dhextaal.

 

- Advertisement -