Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida ku timid Guddoomiye hore Jawaari

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryayaa in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka dowlada Qatar oo Soomaaliya u soo Magacaabay danjire cusub

Caydiid Ali

Boqor Salmaan oo Wadamada Caalamka ugu baaqay in talaabo adag laga qaado dowlada …

Cabdi Cade

(Sawirro) Ereyadii ugu dambeeyey ee Diego Maradona & qaabkii uu u geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---