Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaare.

Geerida Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa una geeriyooday xanuunkaasi.

Masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa si weyn uga naxay geerida guddoomiye Jawaari, waxaana baraha bulshada qabsaday tacsida geerida Jawaari.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79-sanno jir, waxa uuna labo mar soo noqday guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -