Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo dhibco badan looga helay dood adag oo dhexmartay Trump

Dooddii ugu horreysay ee telefishin laga sii daayo sanadkaan ee dhexmartay madaxweynaha hadda Joe Biden iyo madaxweynihii hore Donald Trump, ayaa ku soo dhammaatay iyadoo Biden uu u muuqday in aanu diiradda saarin waxyaabihii laga sugayay.

Waxaa dhacayay in hadallada qaar uu ku marganayay, codkiisa oo xabeeb lahaa iyo jawaabaha qaar oo aanu toos u abbaareynin.

Labada nin ayaa kala matalaya xisbiga dimuquraadiga ah oo Biden uu u sharraxanyahay iyo xisbiga Jamhuuriga ah oo Trump uu u taaganyahay.

Doodda oo uu qabtay telefishinka CNN, ayuu Mr Trump ka gaabsaday su’aal ahayd inuu mas’uul ka ahaa jabinta sharciga iyo rabshadihii dhacay, 2021, markii taageerayaashiisu ay weerareen Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Labada nin ayaa isku adeegsanayay hadallo adag iyadoo Biden uu Trump ku tilmaamay dambiile halka Trump qudhiisu isla eraygaas uu u adeegsaday Biden.

Arrimaha ay ku kala aragti duwanaayeen waxaa ka mid ah soo galootiga, ilmo iska soo xaaqidda iyo maareynta dhaqaalaha.Sidoo kale arrinta Ruushka ee dagaalka Ukraine iyo doorka NATO ayay isku maan-dhaafsanyihiin.

Dimoqraadiga Mareykanka, wuxuu la kulmay burburkii ugu xoogana taariikhda dooddii xalay ee Biden iyo Trump, waxayna hadda ku riixi kartaa dimuquraadiga inay ku cadaadiyaan Biden inuu ka baxo doorashada oo ay la yimaadaan musharrax kale.

Related posts

Haweeney Mudo 10-sano ah Meydka Hooyadeed guri ku heesatay iyo hal sabab oo keentay

Cabdi Cade

Rooble oo si Dabacsan uga hadlay Dagaaladii Muqdisho Amarna siiyay Ciidamada Dowlada

Cabdi Cade

Axmed Madoobe ” Soomaali baan ahay, ma aqaan Kenya walaa Itoobiya”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---