Allbanaadir.com
NEWS

James Swan & Axmed Madoobe oo ka wada hadahadlay Saddex qodob (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayay James Swan oo ah Ergayga KMG ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa magaalada kismaayo soo gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland mudane Maxamed Ibraahim Oogle ayaa wafdiga garoonka magalada Kismaayo ku soo dhaweeyay

Wafdiga uu hogaaminayay James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmad Maxamed Islaam.

James Swan ayaa Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradakala hadlay mowduucyo kala duwan oo heer deegaan iyo heer qaran ah oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, horumarka amniga, iyo baahiyaha bani’aadamnimo.

Wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNFPA, UNICEF, iyo FAO, ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Related posts

Booliska Puntland oo laga xil wareejiyey amniga Garowe iyo sababta keentay (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlayaa shirka Wada tashiga ee maanta ka furmaya Garoowe?

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada oo la sheegay in ay u badan yihiin NISA iyo taageerayaasha Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---