Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo ansixisay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka oo ka kooban 8 qodob

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka.

Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ookiyaale lagu aqoonsanayo dadka Dambiilayaasha ah oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Arinta Galmudug oo lagu sifeeyay Qof Xanuunsan oo hadana Daawadii loo qoray Diiday !!

Cabdi Cade

Israa’iil oo ku adkaysatay inay jawaab ka bixinayso weerarkii Iran iyo caalamka oo indhaha…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---