Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii uu qaatay Madaxweyne William Ruto

Dalka Kenya ayaa galay khalalaase, kaddib markii Talaadadii dalkaasi qeybo badan oo kamid ah uu ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay, kaa oo sababay khasaaro  isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ,ayaa meesha si deg deg ah uga saaray hindisihii canshuur kordhinta ee dhaliyay carada shacabka Kenya , waxa uuna sheegay in go’aankan qaatay isaga oo u turaya shacabkiisa.

Dowladda Mareykanka iyo dowlado kale ayaa soo dhaweeyay go’aanka xalka ah uu qaatay Madaxweynaha dalka Kenya, waxa ayna tilmaameen in go’aankan meesha ka saari doono in ay sii socdaan dibadbaxyada dhaliyay rabshadaha iyo khasaaraha.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa khadka telfoonka kula hadlay Madaxweyne William Ruto, waxa uuna uga mahadceliyay Madaxweynaha go’aanka uu qaatay iyo sidoo kale wadahadalad uu la galayo dibad baxayaasha.

Dibadbaxyadii dalka Kenya ka dhacay Talaadadii ayaa sababay dhimashada dad ka badan 23-of iyo dhaawaca dad kale oo ka badan 100-qof, waxaa sidoo kale jira bur bur hantiyadeed iyo boob loo geestay goobo badan oo ganacsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

RW Rooble oo Garoowe ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda Puntland

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo si wadajir ah ula kulmay Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Aktarad laga xaday abaal marinta Oscars wax yar kadib markii la guddoonsiiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---