Mareykanka oo Israel uga digay talaabo culus oo ay damacsan tahay

Sarkaalka ugu sarreeya ciidanka kala duwan ee Mareykanka, Charles Brown ayaa si cad u sheegay inuusan Mareykanka awoodin inuu caawiyo Israa’iil haddii ay dagaal toos ah la gasho Xisbullah

“Iran ayaa dagaalka ku biiri doonta haddii ay aragto in Xisbullah ay halis weyn ku jirto, Xaaladdaasoo kale, ma awoodno inaan difaacno Israa’iil sidii aan yeelnay bishii April, sidaa darteed, waxaan uga digaynaa Israa’iil inay ballaariso baaxadda dagaalka.” ayuu yiri Charles Brown.

Kumanaan dagaalyahanno ah oo ka socda kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe ayaa diyaar u ah inay tagaan Lubnaan si ay ugu biiraan kooxda Xisbullah, haddii dagaalka ay kula jirto Israa’iil isu beddelo dagaal adag oo toos ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto iyo falanqeeyayaasha taasoo mareykanka walwal badan ku heysa.

Tobankii sanno ee la soo dhaafay, dagaalyahannada ay Iran taageerto ee ka kala socda Lubnaan, Ciraaq, Afgaanistaan ​​iyo Pakistan ayaa si wada jir ah ugu dagaalamay Suuriya, kuwaaso qayb ka ahaa dagaalladii halkaa ka dhacay.

Dhinaca kale, Codka siyaasiyiinta iyo dadweynaha diiddan xukuumadda Netanayahu ayaa sare u kacay gudaha Israa’iil.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Israa’iil,Ehud Barak ayaa yiri “Sida kaliya ee lagu soo celin karo dadka la afduubay waa in la joojiyo dagaalka… Netanyahu waa ra’iisul wasaare guul-darraystay oo keenaya burbur istaraatiiji ah, waana in si walba loo beddelaa.”

Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee  Mossad, Tamir Pardo ayaa isna sheegay “Netanyahu ma laha wax istaraatiijiyad ah ama aragti mustaqbal, waxa kaliya ee uu daneynayo waa inuu sii joogo xukunka, Netanyahu wuxuu inoo horseedayaa masiibo, guusha uu ka hadlayana waxay la macno tahay inuu lumiyo askar badan, Shacabku waa inay dariiqyada u soo baxaan oo u sheegaan Netanyahu iyo dawladdiisa inay naga fogaadaan.”

 

- Advertisement -