Somalia & Itoobiya oo aqbalay iney wada hadlaan iyo dowlad arrintaas ka shaqeysay

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aqbalay codsigii Turkiga ee ahaa in ay labada dowladood miiska wadaxaajoodka uga heshiiyaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Warar laga helay Illo wareedyo waxay sheegayaan in Ankara ay hogaamiyeyaasha Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku martiqaadey dalkeeda si ay si rasmi ah ugu bilowdaan wadahadalada heerkoodu sareeyo.

Itoobiya ayaa dib u dhigtay in maanta 26-June qalinka lagu duugo heshiis rasmi ah oo la xiriira is-afgaradkii dhexmaray iyaga iyo Somaliland waxaana xukuumadda Abiy aqbashay inay la xaajooto Soomaaliya kaddib tanaasul labada dhinac ka yimid.

Madaxweyne Hassan ayaa Turkida ka aqbalay in uu ka soo dabco go’aankii ahaa inaan la wada hadlayn inta Abiy ka laabanayo heshiiska uu la galay Muuse Biixi

Abiy ayaa isna wuxuu joojiyay inuu dhamaystiro heshiiskii oo loo madlanaa in 26-ka June la saxiixo.

30-ka bishan June ayaa shir heer Wasiirro-arrimo dibadeed ku bilaabmaya loogu balamay inuu Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmo magaalada Ankara ee dalka Turkiga sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Muuse Biixi ayaa xalay cadeeyay in dhankiisa wax kasta diyaar yihiin balse uu ka war sugayo inta Itoobiya ay u yeereyso

Ogolaanshiyaha laga helay labada dhinac ayaa hoos u dhigay xasarada siyaasadeed iyo walwalka dhanka ammaanka ee cirka isku tolay tan iyo bilowgii sanadkan aan ku jirno 2024-ka.

 

- Advertisement -